Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyo lala Eegtay Ciidamada Itoobiya.

BAARDHEERE (IDIL NEWS)-Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxyo miino lagula eegtay Bartamaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kuwaas oo sababay Khasaare isigu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Qaraxyada lala beegsaday oo watay Kolanyo gaadiid ah, ayaa Qaraxa kaddib bilaabay Rasaas, taas khal khal gelisay Shacabka Baardheere.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay goobta qaraxa lagula eegtay xireen, si aanay dadka u arkin inta uu le egyahay khasaaraha gaaray.

Isu socodka dadweynaha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa hakad ku yimid, markii qaraxa dhacay, inkastoo muddo kaddib uu dib u furmay.

Dhowaan ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah lala eegtay saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Baardheere.

IDIL NEWS