Balanqaadyadii Farmaajo oo aysan waxba ka hirgalin laba sano kadib

Madaxtooyada Somaliya,ayaa ka dalbatay Wadamada Ciidamadu ka joogaan dalka in ay udiyaar garoobaan ka qayb qaadsahada Guluf xoog badan oo lagu ekaynayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Fadaraalka Cabdinuur Maxamed Axmed,ayaa warkaas sii daayay.

Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dhawr jeer oo hore sidaan oo kale ku baaqday in ay qaadayso weeraro xoog leh oo dalka looga sifaynayo Alshabaab,balse waxba kama fulin balanqaadyadaas.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa xiligii olalaha doorashada balanqaaday in Mudo 2-sano ah uu dalka uga xorayn doono Maleeshiyada Alshabaab,balse waxba kama rumoobin balanqaadkiisaas.

Sidoo kale Farmaajo waxuu balanqaaday in uu dalka uga saari doono Ciidamada shisheeye mudo laba sano ah,isla markaana Ciidamada Dowlada Fdaraalku la wareegi doonaan amaanka dalka,balse wali waxay Ciidamada Dowlada Fadaraalku si joogta ah u hili la’yihiin Mushaaarkooda.

Isku soo wada duuboo Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,ayaan wax guul ah ka keenin hawlgalka la dagaalanka Alshabaab,waxayna gacanta ku hayaan inta badan Koonfurta Somaliya,halka Dowlada Fadaralka lagu ilaaliyo Villa Somaliya iyo Jidka Maka Almukarama oo ku yaala xaafad ka mdi ah xaafadaha Muqdisho.