Itoobiya oo si cad ugu xadgudubtay Midnimada Qaranimo Ee Somaliya(Daawo).

Muuqaalkan waa Safaarada Somaliland ee Adis-ababa oo uu booqday Madaxweyne Muuse Biixi.

Waxaa kuu muuqanaya in ay tahay Safaarad rasmi ah oo aysan ahayn Xaafiis Ganacsi.

Waxaa dulbabanaya Calankii Somaliland,waxaana Gaadiidkeeda ay wataan Taargadii Diblomaasiyiinta.

Tabeelaha waxaa ku qoran Somaliland Embasy,sidoo kale sida loo galbinayo Muuse Biixi waa mid hab maamuus Dowladeed leh.

Waxay dhacdadan dhacaysaa ,iyadoo Farmaajo kal hore sheegay in uu soo xiray kanaalo fara badan oo bahdil ku ahaa Qaranimada Somaliya.

Waxa is waydiin mudan kanaalada uu soo xiray Madaxweyne Farmaajo halkee ka jiraan hadiiba kuwii ugu muhiimsanaa ee Itoobiya ay sidoodii ufuran yihin.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay dhacday ceebtii Diblomaasi ee ugu weynayd oo soo marta taariikhda siyaasada dibada ee Somaliya,waxaana ku xigay midan hada ka dhacday Itoobiya.

Dowlada Fadaraalka Somaliya madaxda xiligan hogaaminaysa,ayaa waxaa la oran karaa kuwo aan ogaynba in tay boodi karaan lana socon waaqiciga ku xeeran Dowladnimada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

Jibril Qoobey.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka