Wasaarada arimaha dibada Kenya oo qarka usaaran in ay hawlgab noqoto

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma,ayaa sheegtay in dalkeeda uu halis ugu jiro in looga guuleysto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda ee Gobolka.


Monica oo Arbacadii hortagtay Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya,ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda u qorsheysay Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ahayn mid ku filan.


Inkasta oo kulankii shalay ay ku hortagtay Guddiga ujeedadiisu ahayd xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaliya haddana Guddiga iyo Wasiirkuba ma faah faahin halka la iskala qaaday iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan.


Wasiirad Juma waxaa ay sheegtay in wasaaraddeeda ay ku adkaan doonto in ay gasho tartan dhinaca diblomaasiyadda iyo muranada sohdimaha ah ee dalalka deriska ah maaddaama aysan heysan dhaqaale ku filan.


Tusaale waxay u soo qaadatay muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si mid ah midka dhinaca Badda ah ee Tanzania iyo muranka Harada Victoria ee kala dhaxeeya Dalka Uganda. Waxaa ay Moica sheegtay in dowladdeeda aysan awood u lahayn in ay arrimaasi oo dhan maareyso,haddii aan la kordhin miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya. Sanadka soo socda ayey codsatay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay u gasho howlo badan oo hadda qabyo ka ah