Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo ka hadlay muhiimada Ciidanka Asluubta (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Ayadoo ay ku Beegantahay Sanad-guuradii 49aad ee Aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Taliye ku-xiggeenka Ciidamka Asluubta Dowladda Puntland Abdulahi Cismaan Liibaan, waxaa uu hanbalayo u diray dhamaan Ciidnaka Asluubta
Soomliyeed.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland, ayaa Sheegay in Ciidamada Asluubta oo ah Ciidanka Saddexaad ee Qaranka, ay howlo badan u qabteen intii ay jireen Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ah kuwo wax ku ool ah.

Waxaa uu Xusay in Ciidamada Asluubta ay ka bad-baadeen Aafadii dalka ka dhacday, oo ay ugu waa weynaayeen Dagaaladii Sokeeye, isla markaasna ay illaa iyo hadda garab taagan yihiin Shacabkooda.

Taliye ku-xiggeenka Ciidamka Asluubta Dowladda Puntland Abdulahi Cismaan Liibaan, ayaa Sheegay in dhowaan ay ku qabanayaan Magaalada Boosaaso ee xudunta Puntland, munaasabad balaaran oo ay ku weynaynayaan Aas aaskii Ciidanka Asluubta.

Daawo.

IDIL NEWS