Shirka Maamul Daadejinta iyo Horumarinta Degmooyinka Puntland oo ka dhacay Garoowe (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gudoomiyey shirka Maamul daadajinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan.

Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhagaystay Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey derdergelinta dedaalada maamul daadajinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland.

Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS