12 jir Kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo (Warbixin)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Dhacdadan oo aheyd mid Ugub ku ah Degaanada Puntland, ayaa loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar, Da’deedu gaareysay 12 sanno jir, taas oo ku nooleyd Xaafadda Siineey ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Caasho Ilyaas, ayaa Qoyskeedu waayeen Subaxnimadii Shalay, kaddib markii Hooyadeed ay u dirsatay Suuqa si ay uga soo gado Hilib, balse waxaa jidka kasii qaatay Kooxo Arxaan laa wayaal ah, taas oo la ogaaday kaddib markii ay waayeen Qoyskeedu.

Gabadhan yar ayaa baaritaan dheer kaddib saaka laga helay Wadada Hormarta  Guriga ay degan yihiin Qoyskeedu, kaddib markii ay soo dhigeen Kooxdii Afduubka u geystay Caasho, sida ay Warbaahinta u Xaqiijiyeen Qoyskeedu.

Kooxda Afduubtay AUN Caasho Ilyaas, ayaa u geystay Falal isigu jira Kufsi iyo Dil, Iyadoona jirkeeda ay ka muuqdaan Dhaawacyo, ay u geysteen Kooxahani intii aysan dilin, sida ay sheegtay Saynab Cabdiwahaab oo ah Hooyada dhashay Caasho oo la hadashay Warbaahin

Banaan-baxyo looga soo hor jeedo Kufsiga iyo Dhaawaca loo geystay Caasho, ayaa ka dhacay maanta Magaalada Gaalkacyo, Dadka banaan-baxa dhigayay ayaana ugu baaqay Dowladda Puntland inay Cadaalad hesho Gabadhan lana soo taago Maxkamad cid kasta oo ay kusoo cadaato Kiiskeedu.

Guddi dhakhaatiir ah ayaa loo xil saaray iney baaritaan ku sameeyaan maydka, Caasho Ilyaas Aadan oo dhawacyo culus ay ku yaallaan, sida uu sheegay Axmed Diiriye Sugulle, oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Si Kastaba ha ahaatee, Falkan loo geystay Allaha u naxariistee Caasho Ilyaas, ayaa ah mid ku cusub Degaanada Puntland, Iyadoona si weyn u hadal hayaan Shacabka, kuwaas oo dhowraya Talaabada Dowladdu ka qaado Dhacdan iyo sida ay uga jawaabto..

IDIL NEWS