Madaxweyne Deni oo baaq u diray Qurba-joogta Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Qurbo-joogta Puntland inay ka qeyb-qaataan Sare u qaadida Dhaqaalaha Dowladda Puntland, si loo xoojiyo Adeegyada loo qabto Shacabka.

Madaxweyne Deni ayaa Sheegay in Dowladda Puntland sanadba sanadka ka dambeeya ay kobcayso Baahida ay qabaan Shacabkeedu, taasna ay u baahan tahay in Dowladdu ay hesho dhaqaale lagu kaafin karro baahida Shacabka.

Waxaa uu sheegay in Qurbajoogtu ay aad u maalgashadaan Hotelada iyo Ganacsiyadda la nooca ah, kuwaas oo uu sheegay Madaxweynuhu in aysan Dowladdu ka helin Canshuur.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Qurbajoogta Puntland, inay qeyb ka noqdaan Ganacsiyadda soo daga oo uu Sheegay inay Dowladdu ka hesho Canshuur ayna ku tiirsan tahay, taas oo uu sheegay in haday dhacdo ay qeyb ka noqoneyso Dhaqaalaha ay hesho Dowladdu.

Daawo.

IDIL NEWS