Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Golaha Garsoorka Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Golaha Garsoorka Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Golaha, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Xarunta Golaha Garsoorka, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey Kormeerka ayaa mid mid u galay xafiisyada xarunta, waxaana uu Madaxweynuhu kulan Gaara la qaatay Guddoomiyaha, xeer ilaaliyaha iyo dhammaan hawlwadeenada Maxkamadda” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

“Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda iyagoon ka wada-hadlay Tayaynta iyo kobcinta dakhliga dowladda iyo miisaaniyaddaba”Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS