Baarlamaanka Puntland oo Sheegay inay kula xisaabtamayaan Xukuumadda Dilkii Caasho (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah Baarlamaanka Dowladda Puntland, oo Warbaahinta kula hadlay Goor-dhaweyd Magaalada Garoowe, ayaa kulul u cambaareeyay Falkii arxan darada ahaa ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Xildhibaanada ayaa Sheegay in ay tahay waxaan la aqbali Karin Falkii Kufsiga iyo Dilka ahaa ee loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar oo dadeedu tahay 12 Sanno jir, Iyagoona tacsi Tiiraanyo leh u diray Qoyskii Gabadha dhalay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa Sheegay in tahay Waajib saran inay kula xisaabtamaan Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Dhacdadan, loona baahan yahay laamaha ammaanka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro Kiiskan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland, ayaa ugu baaqay Shacabka Degaanada Puntland inay u istaagaan sida wax looga wada qaban lahaa arrintan iyo falalka kale ee la nooca ah, si looga adkaado kuwo caadeystay Dhibaateynta Bir ma geydada.

Daawo.

IDIL NEWS