Dowlada Somaliya oo canshuur kusoo rogtay shaqaalaha Qaramada midoobey

Qaramada Midoobay ayaa cabasho ka keentay lacago canshuur ah oo ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay lacagaha canshuuraadka ah iyo Dalkugal ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda inay xadgudub ku tahay heshiisyo hore oo ka reebaya shaqaalaha QM in lacago canshuur ah ay bixiyaan.

Xafiiska UNSOS ayaa warqad cabasho ah u direy Wasiirka Arrimaha Dibada dowlada Federalka Axmed Ciise Cawad iyadoo lagu sheegay qoraalkaas in illaa kun ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qandaraas qaatayaasha ay saameyn ku yeelatay dalkugal iyo lacago canshuuro ah oo ay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada ay ku soo rogeen.

Sidoo kale xafiiska UNSOS ayaa sheegay in hay’ada Socdaalka dowlada Soomaaliya uu diiday in uu aqoonsado heshiisyo hore loo galay iyo weliba sidoo kale dalkugalyada ay shaqaalaha ka soo qaataan safaaradaha dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dalalka dibadda iyagoo ku tilmaamay dalkugaladaas kuwo been abuur ah.

Xiriirka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaan wanaagsanayn tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya ay ceyrisay Wakiilkii Xoghayaha Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya dhamaadkii sanadkii aynu ka soo gudubnay.