Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga Dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Muadane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladd Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Kulanka ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarsho guud oo dhex martay Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dar-dargelinta dhismaha wadada, xog guud oo la xidhiidha habsami u socodka iyo caqabadaha jira.

Sheekh Maxmuud Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa ka warbixiyey waxa uu ku saabsanaa kulanka maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Guddiga Dhismaha wadada

“Maanta waxaa qabsoomay kulankii ugu horreeyey oo dhex maray Madaxweynaha Dowladda Puntland intii la doortey iyo guddiga wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo shirkaasna waxa uu ku saabsanaa guud ahaan is xog wareysi, guddigu in uu fursad u helo oo ay Madaxweynaha uga waramaan wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo sida ay marka hore ku bilaabatay, hada Meesha ay marayso shaqadeedu sida ay u socoto, muuhiimmadda koowaad ee maanta laga lahaa waa sidaas, guddigu waxa ay Madaxweynaha uga warameen wadada shaqadeedu sida ay u socoto, dhaqaalaha wadada soo galay iyo Meesha ay wax marayaan ayey ka warameen’’ Ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarinta Puntland iyo sidii loola jaan qaadi lahaa wadamada Horumaray ayaa balan ku qaaday in uu dhamaystiri doono wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo iyo mashruuc kasta oo wadanka hurumarkiisa ah.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS