Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxda Mashruuca JPLG (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowaladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka socotey mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo hugaaminayey maamulaha guud ee mashruuca Mr. Paul Sinkins.

Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG ayaa ah mashruuc lagu horumariyo deeganada Puntland oo ay ka faa’iidaystaan degmooyinka Puntland, Isla’markaana ah mashruuc wadooyin loogu sameeyo degmooyinka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cimaan ayaa ku bogaadiyey shaqaalaha iyo madaxda mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG horumarka baaxadda leh iyo bilicda wanaagsan ee ay hormuudka u yihiin.

Axmed Maxamuud Cali lataliyaha Madaxweyne Ku-xigeenka ee Mashruuca JPLG ayaa ka werbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay intii uu socdey shirka ay wada yeesheen madaxada mashruuca JPLG iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland.

“Shirka uu Madaxweyne ku-xigeenku la qaatay madaxda mashruuca JPLG waxa uu ku koobnaa isbarasho dhex martay shaqaalaha mashruuca JPLG iyo xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka, qodobada shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa dar-dargalinta iyo dhameystirka maamul daadejinta, macadka taba baridda shaqaalaha dowladaha hoose, kaas oo fursad u ah dowladda Puntland in ay si gaara uga furto magaalada Garoowe si dhakhsaana u shaqyn doona laguna taba bari doono dhammaan shaqaalaha dowladaha hoose,

Baahinta mashruuca oo la wada gaarsiinayo dhammaan degmooyinka Puntland, soo dhammaystirka iyo doorashada Golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo iyo maayarka degmada jariiban, waxaa kaloo lagu xusay mashruuco in uu muhiim u yahay laf dhabarna u yahay horumarinta degmooyinka Puntland” Ayuu yiri La-taliye Axmed Maxamuud Cali.

Daawo.

IDIL NEWS