AMISOM oo shaacisay Tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)- Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in Ciidamad Dowlada Soomaaliya ay waqti xaadirkan u diyaarsan yihiin la wareegitaanka guud ahaan amniga dalka.

Koox ka socotay AMISOM oo si gaar ah qiimayn ugu sameenayay ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in tirada guud ee ciidamada dowlada ay kor u dhaafeen 20,000 oo askari.

Kooxdan oo warbixintii ay soo aruuriyeen ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya ayaa wasiirka amniga xukuumada faderaalka soomaaliya Maxamed Abuukar Islow waxa uu lawadaagay madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Qiimayntan ayaa laga sameeyay maamul goboleedyada dalka kajira sida Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntaland intii u dhaxaysay bishii March 2018 illaa bishii January 2019.

Sida ay xogatan muujisay Maamul Goboleedka Galmudug ayaa leh dagaalyaanada ugu badan ee al-Shabaab ka hortaga iyadoona maamulada kale sida jubbanlad, Puntland, koonfur galbeed, iyo Hirshabelle’na ay soo raacaan.

Warbixinta oo ka koobnayd 60 bog ayaa lagu sheegay in markii la’isku soo dardaro dhamaan ciidamada hubaysan ee ka hortaga al-Shabaab ay kor u dhaafayaan 20,000 sidaas darteedna dowlada soomaaliya ay awood u leedahay lawareegitaanka guud ahaan amniga dalka.

Dhamaadka sanadka 2020 ayaa lagu wadaa in ciidamada Amisom oo kor u dhaafaya 20,000 oo askari ay guud ahaan dalka iskaga baxaan.

IDIL NEWS