Ciidamada amniga Puntland oo baaritaano ka wadda Xaafadaha Boosaaso.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland, ayaa maanta howlgallo culus ka wadda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

Howlgalada oo ah kuwo ay Ciidamadu ka sameynayaan Jidadka iyo Xaafadaha Magaalada Boosaaso, ayaa yimid kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada Askari katirsanaa Ciidamada Difaaca Puntland.

Askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray Shuceyb Cismaam Caluula, waxaana dilkiisu ka dhacay mid kamid ah Gaadiidka Dadweynuhu raacaan, kaas oo istaagsanaa Isgoys Mashquul badan.

Wararka ayaa sheegaya in Qof dilay Askarigan uu la saarnaa Gaariga, Isagoona Dilka kaddib goobta ka baxsaday Ciidamada ammaanka oo daqiiqado kaddib soo gaaray Goobta ayaana wadda illaa hada baaritaano ku saabsan dilka.

Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo ka wadday Magaalada Boosaaso, Iyadoona Ciidamadu ay horey gacanta ugu dhigeen kooxo qeyb ka ahaa Dilalka iyo falalka ammaan-darro ee ka dhaca Boosaaso.

IDIL NEWS