Duqa Gaalkacyo “Bishaan aan ku jirno 4 dil iyo 5 kufsi ayaa dhacay Gaalkacyo” (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Duqa Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug Yaasiin Cabdisamad Cumar, ayaa Shaaca ka qaaday in bishan aynu ku guda jirno Gaba-gabadeedii ay Gaalkacyo ka dhaceen 4 Dil iyo 5 Kufsi ah.

Guddoomiye Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay dhamaan Falalkaas Dadkii geystay ay gacanta kusoo dhigeen laamaha ammaanku, marka laga soot ago kan barista lagu hayo ee Gabadhii yareyd.

Sidoo kale, Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in dil xalay ka dhacay magaalada, loona geystay Wiil yar ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen ninkii ka dambeeyay, waxaana uu sheegay in Maleeshiyo katirsan Beeshiisa ay soo weerareen Xabsiga, kalana baxeen.

Ugu dambeyn, Duqa Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad, ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka inay ka waantoobaan garab istaaga Dadka Dambilayaasha ah.

Daawo.

IDIL NEWS