Golaha Wasiirada Cusub ee KGS oo la ansixiyay.

BEYDHABO (IDIL NEWS)-Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta kulankoodii  caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Cabdi Casiis laftagareen.

Kulanka ayaa waxaa xaadiray 224 Mudane,waxaana Goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Xildhibaano gaaraya  123 mudane ayaa  cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Golaha Wasiirada,waxaana diiday  hal mudane,sidoo kale majirin Xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa kulanka Baarlamaanka ka sheegay in Golaha Wasiirada ay ansax yihiin,iyada oo isla goobta lagu dhaariyey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay ansixinta Golaha Wasiirada ee uu soo Magacaabay,waxaana uu ka codsaday inay la Shaqeeyaan.

IDIL NEWS