Madaxweyne Buhari oo mar kale ku guuleystay Doorashada Nigeria.

ABUJA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday.

Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod.

Xisbiga Abubakar ee PDP ayaa qaadacay natiijada.

Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin.

Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36-da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay.

Dadka doorashada u soo baxay ee codaynta u diiwaan gashanaa ayaa noqonaya 35%, guddiga doorashaduna wuxuu natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonaa Arbacada maanta ah.

IDIL NEWS