Madaxweyne Deni oo Guddi Wasiiro ah u saaray Dhibaatadii loo geystay Caasho Ilyaas.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Guddi u saaray dhacdadii argagaxa laheyd ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Guddigan oo ah Wasiiro kamid ah Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Deni, kana soo jeeda Gobalka Mudug, ayaa kusii jeeda maanta Magaalada Gaalkacyo, Iyagoona kulamo la yeelan doona Maamulka Gobalka iyo Laamaha ammaanka Dowladda Puntland ee Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa faray Guddiga inay dardar-geliyaan Howlaha baaritaanka ah ee ku socda kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ee ka dambeeyay Kufsigii iyo Dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan aheyd 12 sanno jiro.

Sidoo kale, Guddiga ayuu amray Madaxweynuhu inay ka hor-tagaan wax kastaa oo la doonayo in lagu marin habaabiyo Dhibaatada loo geystay Caasho Ilyaas ee ka baxsanaa Xuquuqul aadanaha iyo in laga saaro gacanta Dowladda wax ka qabashada Kiiskan.

Guddigan Wasiirada ah ayaa la filayaa in marka ay gaaraan Gaalkacyo, ay booqdaan Qoyska Caasho Ilyaas si ay ula wadaagaan dareenka Murugada leh ayna ugu muujiyaan in Dowladda Puntland ay ku howlan tahay inay Cadaalad hesho Caasho.

IDIL NEWS