Madaxweyne Farmaajo oo maanta la kulmaya Amiirka Qatar.

DOXA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar ayaa Maanta la filayaa in uu kulan gaar ah la yeesho Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka dalka Qatar ayaa Labada masuul waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta safarka Madaxweynaha ku wehlinaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa waxaa ay kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madax ka tirsan dalkaasi Qatar.

IDIL NEWS