Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Puntland oo ku geeryooday Shil.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Maxamed Faarax Mire, oo kamid ahaa Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ku geeryooday Shil baabuur oo ka dhacay Wadada Xariirisa Degmada Waaciya iyo Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Xildhibaan Maxamed Faarax ayaa Gaari uu saarnaa waxaa ay isku dhaceen Gaari Xamuul ah oo marayay Dalcada Al-xamduli laah, Iyadoona uu Xildhibaanku uu ku geeryooday Shilkan.

Sidoo kale, Waxaa Shilkan ku geeryooday Qof la socday Xildhibaanka kaas oo Magaciisa lagu sheegay Saadiq.

Marxumka oo kamid ahaa Xildhibaanada sanadkan soo galay Baarlamanka Dowladda Puntland, ayaa sidoo kale ku jiray guddigii Doorashada ee Madaxweynaha Dowladda Puntland.

IDIL NEWS