Yaasiin Cabdisamad oo ku dhawaaqay in uusan ka qaybgalin doorashada Duqa Galkacyo(Daawo)

Duqa Kmg ah ee Magaalada gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad oo ka hadlay kulan ay iskugu yimaadeen qaybaha Bulshada Gobolka,ayaa sheegay in uusan musharax u ahayn sii haynta Xilka Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

”Waxay Dowladu soo saartay warqad ay ku sheegayso in la dhiso golihii Deegaanka Degmada mudo cayiman,balse anigu waxaan idin cadaynayaa in aanan ka qaybgalayn tartankaas,sababtoo ah Gole Deegaan oo musuq ku imaanaya hadhowna musuq ku joogaya qayb kama noqonayo tartana kuma galayo”ayuu yiri Yaasiin.

Yaasiin Cabdisamad Duqa Kmg ah ee Gaalkacyo,ayaa umuuqda mid ka niyad jabay hab maamulka Dowlada dhexe iyo tan Gobolka,sidoo kale qawadsan sida ay usoo xulaan odoyaasha qabiiladu Xubnaha Golaha Deegaanka ka mid noqonaya.

Yaasiin,ayaa xilka Degmada hayay mudo 3-bilood ah waxuuna muujiyay hawlkarnimo,daacadnimo,Wadaniyad iyo dadaal,ka haritaankiisa tartanka waxuu Dda badan ku riday niyad jab,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka