24 Kufsi oo ka dhacay Degaanada Puntland Bishan Febuary (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliyaha Cummounity Police-ka Puntland Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cadceed Geelle, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa Sheegay in 24 Kiis oo kusfi ah uu ka dhacay bishan Febuary Degaanada Puntland.

Taliye C/rashiid ayaa sheegay in 24 kusfi ay ka dhaceen Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaaso, Isagoona sheegay in Magaalada Gaalkacyo oo kaliya ay ka dhaceen 5 kufsi.

Gaashaanle Sare Cabdirashiid Cadceed Geelle, Taliyaha Cummounity Police-ka Puntland ayaa sheegay in badashada kufsiga ay sabab u yihiin Odayaasha dhaqanka, kuwaas oo u dooda garabna siiya dambiilayaasha.

Daawo.

IDIL NEWS