Askar katirsan Ciidamada Kenya oo lagu dilay Weerar.

GIRILEY (IDIL NEWS)-Kolonyo katirsan Ciidamada Dowladda Kenya, ayaa lagu weeraray inta u dhexeysa degaanada Giriley iyo Fax-faxdhuun oo ka tirsan Gobalka Gedo.

Weerarkan oo ay Mas’uuliyadeeda sheegatay Kooxda Al-Shabaab ayaa khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamada Kenya.

Warbaahinta ku hadasha Afka Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay in Ciidamada Kenya loogu dilay weerarkii ka dhacay Gobalka Gedo ku dhawaad 3 askari, halka Gaadiid dagaalna looga gubay.

Ma jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin kara warka ka soo baxay Al-Shabaab oo ay ku sheeganayaan weerarka lagu dilay askar katirsan ciidamada Kenya.

IDIL NEWS