Danjiraha IGAD ee Soomaaliya oo shaqadiisii la balaariyay.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Danjiraha Urur Gobaleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Guyo, ayaa shaqadii uu ka hayay Soomaaliya la ballaariyay, isagoo loogu daray arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, taasoo dhalineysa shaki badan oo ku aadan damaca dalalka deriska ah.

Shirkii 46-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD oo ka dhacay dalka Jabuuti ayaa looga hadlay baahida loo qabo in si wadajir ah loo wajaho caqabadaha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

War murtiyeed ka soo baxay shirka ayaa lagu caddeeyay in howshii Wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Guyo oo u dhashay dalka Kenya la ballaariyay laguna daray arrimaha Badda sida Gacanka Cadan iyo Badda Cas oo ay kulaasho Soomaaliya.

Dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa waxay hoosta ka xariiqeen abuurida marin kor loogu qaadi karo aragtida wada hadalka daneenayaasha Midowga Afrika iyo beesha Caalamka.

Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya, Sudan, halka dalalka kale ay Safiiro u soo dirsadeen.

IDIL NEWS