Dowladda Qatar oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya.

DOXA (IDIL NEWS)-Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa qaatay kulan looga hadlayay dhinacyo badan oo dan u ah labada dal, xoojinta xiriirka, iyo iskaashika labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha sidoo kale kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal taas oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar, sida lagu baahiyay Wakaaladda Warar ee dalkaasi Qatar ee QANA.

Labada dhinac ayaa waxay isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doonta abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor ayaa la dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho Jowhar iyo Afgooye, kuwaas oo dhererkoodu gaarayo 120 km, mashruucan oo ay fulineyso dowladda Qatar.

Dowladda Qatar ayaa waxa ay kamid tahay Wadamada Soomaaliya ka ka taageera soo kabashada dowladnimo, iyadoo ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo waqtigan Sooomaaliya.

IDIL NEWS