Gaalkacyo: Ciidamada Amniga oo howlgallo ka wadda Magaalada Gaalkacyo.

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen Falal lidi ku ah amniga.

Ciidamada amniga ayaa howlgaladooda ka sameeynaya Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo, Iyagoona Gudaha u galaya Guryaha qaarkood, Sidoo kalena baaris ku sameynaya gaadiidka.

Howlgaladan ayaa ah kuwo amniga lagu adkeynayo, Sidoo kalena lagu soo qabanayo kooxo dhagar qabayaal ah oo ka dambeeyay dilal ka dhacay Habeen kahor Gaalkacyo.

Dadka kunool Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo dhaweeyay howlgalka ay waddaan Ciidamada PSF-ta, waxaana ay sheegeen inay kala shaqeynayaan Ciidamada soo qabashada dadka qeybta ka ah falalka ammaan darro ee Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa faray laamaha ammaanka Gobalka Mudug iyo Guud ahaan kuwa Dowladda Puntland inay si deg deg ah uga jawaabaan Xaalada kasoo cusboonatay Gaalkacyo, Sidoo kalena ay Cadaalada Hor-keenaan cid kasta oo qeyb ka ah.

IDIL NEWS