Madaxweyne Axmed Madoobe oo amar dul-dhigay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada, waxaana Warbixino lagaga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha, waxaana ka qayb galay Sarakiisha Ciidamada iyo gudiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu horayn waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed iyadoo ay goob joog ahayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan waxaana la faray in dhamaan Ciidamada Dowladu ay ku shaqeeyaan awaamiirta saraakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna.

Sidoo kale golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha Dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah dhamaana ay ka reeban yihiin ka qaybgalka arimaha Siyaasada iyadoo golahu uu faray gudiga shaqada iyo shaqaalaha in ay si dhow ula socdaan dhamaan shaqaalaha Dowlada oo ay qofkii lagu helo ka qayb qaadashada arimaha doorashooyinka ay ka qaadan talaabo sharci ah.

IDIL NEWS