Madaxweyne Deni oo amray inaan Hub iyo Toote lala gelin Garoomada Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir Gudoomiyey shirka Khamiis’laha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, kaas oo Goor-dhaweyd lasoo gaba-gabeeyay.

Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ayaa intii uu socday waxaa si weyn looga hadlay ammaanka, Iyadoona si weyn loogu lafa-guray Xaalada ammaan ee Magaalada Gaalkacyo iyo dhacdadii isigu jirtay Kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa amray in gabi ahaanba la joojiyo hubka iyo Tuutaha lala galayo Garoomada Puntland, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, iyo Dalxiiska Cali Xasan Axmed, oo warbaahinta la hadlay markii Shirka Golaha Xukuumadda Puntland uu soo idlaaday.

Daawo.

IDIL NEWS