Taliska PSF oo beeniyay warar laysla dhexmarayay

Khuburo iyo Saraakiil ayaa baaritaanno adag ku haya dilkii iyo kufsigii loo gaystay, Rabbi ha u naxariistee, Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno jir dhigata dugsiga Salaama.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada PSF-ta oo gacanta ku haya kiiska, Caasho Ilyaas Aadan ayaa su’aalo waydiinaya dad la tuumayo oo laga xir xiray xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha oo la hadlay Kasmaal Media ayaa been abuur ku sheegay qoraalo lagu faafiyay baraha bulshadda, iyaga oo ku tilmaamay kuwo lagu jahwareerinayo baaritaannada.

Natiijada ayay sheegeen iney soo gudbinayaan marka ay is waafaqaan baaritaanka iyo natiijada Sheybaarka Hiddo Sidaha oo dheecaano kala duwan lagu qaaday.

Xigasho:-Kasmaal Media