Tirada Barakacayaasha Soomaaliya oo korortay sanadkii tagey ee 2018 (Warbixin)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warbixin ay soo saartay Hay’ada  Norwegian Refugee Council (NRC), ayay uga digtey tirada qoysaska ku barkacaya gudaha dalka Soomaaliya oo sanadkii aynu ka soo gudubnay gaartay 320,000, taasoo ah tiradii ugu badneyd afartii sano ee la soo dhaafay.

Hay’adda NRC oo Warbixinteeda Daabacday Arbacadii, ayaa waxa ay sheegtay in tirada barakacayaasha ay ku korotay sanadkii aynu ka soo gudubnay qoysas gaaraya 202,000.

“Waxaa aad u sii kordhaya tirada sii kordheysa ee dadka rayidka ah ee lagu qasbo inay kabarakacaan guryahooda,khilaafkana wuu sii xumaanaya iyadoo kumanaan ruux ay wajahayaan hoy la’aan,haddii ay tan sii socotana waxa ay noqonaysaa masiibo” ayuu yiri La taliyaha hay’adda Evelyn Aero oo warbixinta daabacay.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in dadka ugu badan ee ku barakacaya gudaha dalka Soomaaliya ay u badan yihiin kuwa ka imanaya gobolka Sh/hoose.

Hay’ada ayaa waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in qoysaska ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya ay ku nool yihiin xeryo dadku ay ku badan yihiin isla markaana caafimaad darro ay ka jirto,waxaana warbixinta lagu xusay in dowlada Kenya ay diiday in diiwaangeliso qaxooti cusub oo ka imanaya dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa ka codsatay beesha caalamka in sanadkan loogu deeqo lacag gaareysa 1.08 Bilion oo doolar si dalka Soomaaliya wax loogu qabto balse illaa iyo hadda waxaa la yaboohay lacag gaareysa 67 malyan oo dollar kaliya.

IDIL NEWS