Wararkii ugu danbeeyay Ee qaraxii maka Al mukarama (Daawo)

Inkasta oo aan wali si rasmi ah loo hayn tirada Dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxii Fiidnimadii caawa ka dhacay Muqdisho,gaar ahaan agaagrka Hotel Maka Almukarama hadana waxaa soo baxaya warar kala duwan.

Masuuliyiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya qaybo ka mid ah,ayaa noo sheegay in qaraxa caawa ay ku dhinteen Dad lagu qiyaasay 20-qof,sidoo kale 30-qof ay ku dhaawacmeen.

Dawladda,ayaa wada sidii gargaar loogu fidin lahaa dhaawaca,isla markaana loo gaarsiiyn lahaa goobaha caafimaadka,hoos ka daawo warka oo faahfahasan.

Halkan ka daawo muuqaalka