Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Weerarkii Makka Al-Mukarama (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay si kulul uga hadleen weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay ka dhacay Magalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarkaasi ay aad uga xun yihiin,isla markaana ay ka tacsiyadeynayaan dadkii ku dhintay,waxaana uu sheegay in ay xanuunka la qeyb sanayaan.

Anigoo aad uga murugoonaya weerarkii ay argagaxisadu ku xasuuqeen dadka rayidka ah, ayagoo noloshooda caadiga ku jirana ku laayay wadada Makah Al Mukaramah ayaa waxaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa murugada xanuunka badan ee soo wajahday, saameynta adagna nagu dhalisay ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.’

Laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay  in ay xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta shacabka, shacabkana wuxuu ugu baaqay in ay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sugida ammaanka.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uu xanuunka la qeybsanayo dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii xalay ka dhacay Magalada Muqdisho.

“Waxaan murugada la wadaagayaa walaalahayga Soomaaliyeed ee argagixisadu ay ku gumaaddey Magaalada Muqdisho, Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkaas wuxuushnimada ah aniga oo tacsi u dirayo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.”

Marka laga soo tago hadalada Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa xusid mudan in weli aysan ka hadlin Madaxda hadda talada heysa ee dowladda Federaalka Soomaaliya weerarkii xalay Shacabka Soomaaliyeed ay waxyeelada kasoo gaartay.

IDIL NEWS