Halkee marayaa Baaritaanka Kiiskii Caa’isho Ilyaas ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud, oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ka warbixiyey halka uu marayo baaritaanka dilkii Caa,isho Ilyaas Aadan.

Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sheegay in uu weli socda Baaritaanka Kiiskii isigu jira Kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan, ayna gacanta ku hayaan laamaha ammaanka Puntland, Guddi dhakaatiir ah iyo Hay’adaha kale ku shaqada leh.

Wasiir Xaamud ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn inay kahor dhacaan Baaritaanka, Isagoona ugu baaqay Shacabka Degaanada Puntland inay ka war sugaan Dowladda ayna is-dejiyaan.

Daawo.

IDIL NEWS