Madaxweyne Deni oo baaq u diray DF Iyo Dowlad gobaleedyada.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Goobo Ganacsi iyo Xaafado ku yaalla Wadada Makka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay Dagaal loo dhan yahay oo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xasuuq u geysteen Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, Isagoona ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada hor-jeedsadaan Argagixisadu.

Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa tacsi u diray Dadkii Eheladooda ku waayay Weerarkan, Isagoona alle uga baryay inuu u booga dhayo Dadka ku dhaawacmay.

IDIL NEWS