Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmaya Dalka Uganda.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa lagu waddaa inay dhowaan ku kulmaan Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadda-hadli doona Khilaafka Dublamasiyadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo salka ku haya Muranka Xuduud badeedka ay wadagaan Labada Dalka.

Shirkan ay yeelanayaan Labada Hoggaamiye ayaa ka dhinac dhici doona Shirweynaha Africa Now Conference oo lagu waddo in la qabto 12-ka bishaan ayna waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda.

Warbaahinta Dalka Uganda ayaa ku waramaysa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu xaqiijiyay in uu ka qeyb-galayo Shirkan oo marti-qaadkiisa uu lee yahay Madaxweynaha Uganda Yoweeri Museveni.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania Saamiya Xasan Suluhu. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah  Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.

IDIL NEWS