Video:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Furay Shirka Siyaasadda Maamul Daadajinta

GAROWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magaalada Garoowe ku daahfuray shir ku saabsan siyaasadda Fulinta maamul daadajinta Puntland, kaasoo dhexmaraya Wasaaradaha iyo Dagmooyinka la shaqeeya Mashruuca GPLG.

Shirkan waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland kala qayb-galay Todobo dagmo oo kala ah, Garoowe, Bosaso, Qardho, Gaalkacyo, Goldogob, Eyl iyo Bandar-Bayla. waxaa sidoo kale goob joog ahaa Wasiiro, Wasiiru dawlayaal iyo Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dimuquraadiyadda, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Caafimaadka, Howlaha Guud & Garoomada, Haweenka, Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Macdanta, Tamarta iyo Biyaha.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Shirka Khudbad ka jeediyay waxa uu sheegay in Mashuurcaan JPLG uu Puntland ka socday ku dhawaad 10 sano, kaasi oo si wayn looga faa’idaystay, ayna muhiim tahay in isku filnaansho la helo si looga maarmo ku tiirsanaanta Hay’addaha deeq bixiyaasha ah.
Sidoo kale Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland ayaa ugu danbayn sheegay in loo baahanyahay in hannaankii hore ee mashruucaan uu ku socday wax laga bedelo, isla markaana taladiisa iyo shaqada la qabanaayo si wadajir ah la isaga kaashado, waxaana uu dhammaantood furay inay si dhow u wada shaqeeyaan, si shacabka Puntland loo gaarsiiyo adeeg dhammaystiran.

Mashruuca Horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG waxa uu ka socdaa 9 degmo, waxaana shirkaan uu Garowe ka socon doonaa muddo laba cisho ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Sawirro.

IDIL NEWS