Talyaha Daraawiishta Puntland oo markale digniin adag soo saaray (Daawo).

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka hadlay u jeedada loo keenay ciidankan.

Talyaha,ayaa hadalkan ka dhex sheegay shirka amniga ee Gaalkacyo. ka dhacay.

”Amar baan uqabnaa inaan xirno cidii kadaba timaada qof lasoo qabtay”ayuu yiri Talyaha Daraawiishta Puntland.

Hadalka Cabdishukri Cabdullaahi,ayay bulshadu u arkaan mid mudan soo dhaweyn iyo la shaqayn.

Kufsiga Haweenka,waxa ugu weyn ee baritaar unoqday,ayaa lagu tilmaamaa wada xaajoodka dhexmara beelaha ay kasoo kala jeedaan Gabadha dhibku gaaray iyo Ninka dhibka gaysta,taasoo keenta in xeer iyo Xajo laga kala qaato iyadoon Gabadha laga tala galin.

In ay meesha ka baxaan Odoyaasha dhaqanka ee arinkan mar walba ka daba taga waxay noqonaysaa talaabada kali ah ee hoos loogu dhigi karo falkan guracan.

Guud ahaan Puntland,ayaa loo arkaa dhaqankan foosha xun ee haweenka lagu kufsanayo waxaan loo duqlaadan karin oo ay tahay in deg-deg looga hawlgalo.

Inta badan Dadka Somalida ah waxay u arkaan in falkan guracan uu ka dhaco Somaliya oo idil,balse Puntland ay noqotay meesha kaliya ee bulshadeeda iyo Xukuumadeeduba ay u istaageen waxkaqabadkeeda kana dhiidhiyeen,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfahasan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka