Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Madaafiic ah oo kusoo dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Madaafiicdan oo gaaraysay illaa 5 Hoobiyayaal ah, ayaa kusoo dhacday hareeraha iyo gudaha Madaxtooyada, Iyadoona saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1-aad C/weli Muudeey.

Sidoo kale, Hal Madfac ayaa ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka, halka madfac kale uu ku dhacay Gudaha Madaxtooyada.

Dhanka kale, Madfac kale ayaa ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

Madaafiicda ayaa u muuqday mid bartilmaameedkooda ku dhacay Madaxtooyada, marka loo eego goobaha uu khasaaraha gaarsiiyay oo ah xafiisyada hey’adaha dowladda.

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday, lamana oga khasaraha ka dhashay madaafiicda.

IDIL NEWS