Wasiirka Cusub ee Waxbarashada DPL oo ka hadlay Hormarinta Waxbarashada (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Cusub ee Waxbarashada Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xassan, oo ku maqnaa dalka Dibediisa markii la Magacaabay, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe.

Wasiir C/llaahi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kamid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, xubno horey uga tirsanaa Xukuumadii hore, kuwaas oo kamid ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Abshir Aw-yusuf.

Wasiirka cusub ee Waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo soo dhaweeyn kaddib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu xoojinayo horumarinta Waxbarashada Degaanada Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS