Addis Ababa: Shir looga soo hor-jeedo Hoggaanka DDS oo u socda Beesha Dir (Daawo)

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Magaalada Addis ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, waxaa ka socda Shirweyne u dhexeeya Beelaha Direed ee dega Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo la sheegay in ay uga arinsanayaan aayahooda.

Shirweynahan oo loogu Magac-daray “Shirweynaha 1-aad ee Midaynta Direed” ayaa ah kii ugu horeeyay ee Beeshana isigu timaado.

Wararka,ayaa sheegaya in Shirweynahan uu yahay mid looga soo horjeedo Hoggaanka sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaana la sheegay in uu ka danbeeyay Abaabulkiisa Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya Axmed Shide oo gacan ka helaya maamulka Oromada iyo xaafiiska ra’isalwasaaraha.

Xubnaha Shirweynahan ka qeybgalaya,ayaa la sheegay in ay doonayaan in Beeshu ay la wareegto Hoggaanka Dowlad Deegaanka oo ay ka degan Deegaano kooban, Iyagoona doonaya in meesha laga saaro Beesha Daarood oo Maamusha Deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Itoobiya Mustafe Cagjar, oo ka hadlay Shirkan ayaa sheegay in uu yahay mid la doonayo in lagu kala qeybiyo Dadka Degaan, loona kala saaro beel beel, sida Daarood, Dir iyo Hawiye, si loo wiiqo Awoodooda.

Dad aan u dhalan Dowlad Deegaanka iyo kooxo qaswadayaal ah,ayuu xusay in ay soo abaabuleen Shirkan, Isagoona uga digay Dadka kasoo jeeda beesha Direed Deegaanka degan in ay ka qeybgalaan.

Dadka u dhuundaloola arrimaha Dowlad Deegaanka Soomaalida,ayaa aaminsan in shirweynahani uu yahay mid Beesha Direed ay doonayso in ay kula loolanto Beesha Daarood ee inta badan degta Deegaanka, waxaana ay sheegeen in taas hadey dhacdo ay fursad u tahay Qoomiyadaha kale ee Dalka Itoobiya oo dagaal kula wada jira Soomaalida,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka Daawo Muuqaalka.

IDIL NEWS