Beledweyne: Labo dumar ah oo loo qabtay Qarax xalay dhacay.

BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen 2 Dumar ah, kuwaas oo loo qabtay Qarax xalay ka dhacay Beledweyne.

Qaraxa ayaa la dhigay irida Guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ahaa Qarax laga soo buuxiyay Mooto Bajaaj.

Wararka ayaa Sheegaya in labada dumarka ah ee ay Ciidamadu qabteen ay ahaayeen Haween katirsanaa Guriga Taliyaha, kuwaas oo tuhunku uu soo galay.

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameynaya Guryaha qaar halka Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga, sidoo kale baaritaano ay ku sameynayaan,waxaan dadka Magalada Baladweyne ay sheegeen in howlgalkaas uu saameyn ku yeeshay isku-socodka dadka iyo Ganacsiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Baladweyne ayaa horay u sheegay in Ciidamada Booliska Baladweyne aysan u dulqaadan doonin dhibaatoyinka amni ee ka dhacaya Magalada Baladweyne,isla markaana ay bilaabayaan holwgallolagu sugayoamniga.

IDIL NEWS