Ciidamada Kenya oo bilaabay inay isaga baxaan Soomaaliya.

GARBAHAAREY (IDIL NEWS)-Ciidamada Dowladda Kenya ee ku sugan Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland, gaar ahaan Gobalka Gedo ayaa bilaabay in ay ka baxaan degaanadaasi oo ay horay uga qabsadeen Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Kenya Saacaddihii ugu dambeeyay ay ka baxeen degaano dhowr ah, islamarkaana loo baahan yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqyadda Ciidanka Kenya ee Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa shalay si lama filaan ku noqotay Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ee Soomaaliya uga baxay Magaalada Faaxadhuun ee Gobolka Gedo, taasi oo markiiba ay la wareegeen Al-Shabab.

Sidoo kale, Waxaa jirta cabsi ah inay ciidamada Kenya ka baxaan Magaalada Busaar oo ay kaga harsan yihiin Gobolka Gedo, taas oo sabab u noqoneysa in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabtaan Degaanadii gacantooda ka baxay sanadihii tagay.

Bixitaanka Ciidamada Dowladda Kenya ee degaanada Gobalka Gedo, ayaa kusoo aadaysa Iyadoo khilaaf dublamasiyadeed uu ka dhex jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas o salka ku haya Muran bada ee labada dal.

IDIL NEWS