Dowladda Puntland oo baaq u dirtay Odayaasha dhaqanka (Daawo)

BUURTINLE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Odayaasha dhaqanka inay saxiixaan Sharci cadeynaya inaan laga dabatagi Karin Qof kasta oo lagu helo in uu ku lug lee yahay Falalka kufsiga, si loo soo afjaro kufsiga joogtada ah ee ka dhaca Degaanada Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuqaraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, oo ka hadlay kulan dhex-maray Mas’uuliyiin Dowladda katirsan iyo Odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in aysan aqbali Karin in ay sii socdaan tacadiyada ka dhanka ah Haweenka ee isigu jira kufsiga iyo Dilka.

Sidoo kale, Wasiir Dhabancad ayaa tilmaamay in aysan Dowladda Puntland aysan ogalaan doonin in si hoose iyo xeer jajab lagu dhameeyo falalka kufsiga ah iyo tacadiyada kale ee loo geysto haweenka.

Wasiirka ayaa sheegay in in cidii loo soo qabto fal kufsi ah ee ka dhaca Degaanada Puntland Maxkamad la horgeyn doono, Isagoona ka dalbaday Odayaasha Dhaqanka inay saxiixaan inaysan kasoodaba ordi doonin dad loo heysto fal kufsi ah ilaa Maxkamad laga soo taagayo.

Daawo.

IDIL NEWS