Howlgallo weli ka socda Magaalada Gaalkacyo (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka socda howlgallo culus oo ay fulinayaa Ciidamo uu hoggaaminayo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Cismaan Xasan Cuuke, kaas oo loo xil-saaray Xasilinta Gobalka Mudug.

Howlgalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya Ciidamada PSF-ta, Daraawiish-ta iyo Booliska Dowladda Puntland, kuwaas oo si wadajir ah u fulinaya howlgaladan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa amar culus ku bixiyay in lasoo gaba-gabeeyo Xasilooni darada Gaalkacyo, isagoona faray laamaha ammaanka inay si toos ah u hoos tagaan Gen. Cuuke oo ah Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sidoo kale lagu amray inay xabsiga dhigaan Odayaasha dhaqanka ee u dooda kooxaha ay gacanta kusoo dhigeen, taas oo uu sheegay inay fulinayaan Taliyaha Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland (Daraawiish-ta) Gen. C/shukri C/llaahi Xaseen.

Daawo.

IDIL NEWS