Maamulka Dowlada hoose Ee Gaalkacyo oo hakadgaliyay shaqada Gaadiidka loo yaqaan (Mooto Bajaaj)

IDILNEWS.Galkacyo. Maamulka Dowlada hoose ee Gaalkacyo,ayaa shaqadoodii hakad galiyay dhamaan Gaadiidka loo yaqaan (Mooto Bajaaj).

Hakadgalinta gaadiidkan,ayaa timid kadib hawlgalka dib u xoojinta amniga iyo toosinta maamulka Degmada ee uu bilaabay maamulka Dowlada Hoose ee Gaalkacyo.

Waxaa dib loogu samaynayaa sharciyadooda,iyadoo la hubinayo sharciga lahaansaha,kan Gaadiidka iyo kan Darawalka wada.

Sidoo kale waxaa loo samaynayaa tare iyo uqaybin xaafadaha magaalada si nidaami ah,iyadoo meesha laga saarayo is dhex yaac horay ujiray.

Talaabadan,ayay bulshadu aad usoo dhaweeyeen,waxaana la filayaa in ay door weyn ka qaadato sugida amniga caasimada Gobolka muhiimka ah ee Mudug.

Duqa Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad oo jooga hada mudo dhawr bilood ah,ayay ka mid tahay talaabadan waxqabadkiisa la taaban karo.