Madaxweynaha DDS oo si kulul u dhaliilay Shir beeleed ka furmay Addis Ababa (Daawo)

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxumed Cumar (Cagjar), ayaa si kulul u dhaliilay Shirweyne Magaalada Addis ababa uga socda Beesha Dir ee degta Degaanka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in maanta Dadka Soomaaliyeed ee wada dega Degaanka Soomaalida Itoobiya ay is kala saaraan mid kamid ahna ay qabsato Shir beeleed.

Waxaa uu sheegay in Dadka ka dambeeya Shirweynaha la sheegay inay lee dahay Beelaha dir ee dega Dowlad Degaanka, uu yahay mid laga soo abaabulay Meelo ka baxsan Degaanka, lana doonayo in la isaga hor-keeno dadka wada dega Degaanka ee Soomaalida ah.

Madaxweyne Cagjar ayaa wacad ku maray inay ciqaab mudan doonto Cidii kamid ah Dadka Degaanka ee ka qeyb-gasha shirkaas, Iyadoon soo marin Maamulka sida sharcigu qabo.

Daawo.

IDIL NEWS