Madaxweyne Deni oo Kormeeray Cisbitaalka Weyn ee Caasimadda Garoowe (Daawo+Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey cisbitaalka weyn ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Jaamac Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cisbitaalku, Isla markaana waxa uu booqday muwaadiniin ugu jira cisbitaalka xaalad caafimaad, isagoona mid mid uga xog warsaday maamulka cisbitaalka xaaladda caafimaad ee shacabkaasi, waxaana uu ugu dambayn Madaxweynuhu la qaatay kulan gaar ah masuuliyiinta cisbitaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Jaamac Xasan ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha Puntland uu maanta ku tegey cisbitaalka weyn ee caasimadda Puntland.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay Maarso 03 2019 waxaa cisbitaalka weyn ee Caasimadda Garoowe nagu soo booqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Kormeerka Madaxweynaha ayaa muhiimaddiisu ahayd u kuurgalka xaaladda cisbitaalka, runtii Kormeerkaasi si wanaagsan ayuu u qabsoomay, waxaanu cisbitaalka ugu tagnay shaqaale aad u dedaalaya”

“Sida aad la socotaan cisbitaalka Garoowe waxaa la hirgeliyey dhismihiisa xili hore, waxa uu u baahan yahay balaadhin iyo tayayn dhan-walba ah, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in si dhakhso ah loo balaadhiyo cisbitaalka, Isla markaana loo dhammaystiro baahida qalab iyo mid dhismeba” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Faarax Jaamac Xasan.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulka iyo shaqaalaha cisbitaalka kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey dhakhaatiirta iyo maamulkaba inay masuuliyad gaara iska saaraan shacabka rayid ka ah ee u baahan daryeelidda xaaladdooda caafimaad.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS