Madaxweyne Geelle oo Garwadeen ka noqonaya Wada-hadalada DF Somalia iyo Somaliland.

JABUUTI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, iyo xubno ka socda Maamulka Somaliland, ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada  Jabuuti.

Mas’uuliyiintan uu la kulmayo Madaxweyne Geelle ayaa waxaa Horkacaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Iyagoona shalayto tagay Dalka Jabuuti, kaddib markii uu casuumaad u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay inuu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya ee Somaliland inay aqbalaan in dib loo bilaabo Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed, Isagoona intii uu Jabuuti Hoggaaminayay lagu xasuusto in uu qabtay Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida, oo uu kamid ahaa Shirkii Carta.

IDIL NEWS