Puntland oo digniin adag u dirtay Ganacsatada Caanaha Geella (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa digniin adag u dirtay Dadka ka ganacsada Dhuxusha iyo Ganacsatada Barqo-maalka ah ee Geelle ku dhaqda Hareeraha Magaalooyinka, kuwaas oo ay sheegtay inay hormuud u yihiin Xaalufka Degaanka.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Beeraha iyo isbadalka cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid, ayaa sheegay in Wasaaradda Degaanka Dowladda Puntland ay la socoto xaaladaha adag ee uu wajahayo Degaanku, kuwaas oo ay ugu horeyso Is-bedelka Cimiladu.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sheegay in Wasaaradu ay tilaabo ka qaadi doonto Dadka xaalufka ku haya Degaanka oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada Dhuxusha iyo Ganacsatada Caano-teelka ah ee Geelle kusoo xareystay Hareerayaasha Magaalooyinka.

Daawo.

IDIL NEWS